Healthcare professional? Take a look at our dedicated training site!
Healthcare professional? Take a look at our dedicated training site!

Waxyaalaha nagu saabsan anaga

Photo of founder Sally Magnusson and her mother Mamie

Playlist for Life waa muusig iyo hey’ad samofal oo assaasaqa qaabilsan. Waxa hey’ada samafalka ah la aasaasey sanadkii 2013 iyadoo ay sameysay qoraa iyo wariyaha Sally Magnusson  markay hooyadeed , Mamie dhimatey ka dib taas oo assaasaq qabtey. Anaga aragtidayadu waa mid fudud: waxaanu rabnaa in qof kasta oo assaasaq qabaa uu yeesho liisto la dhageysanaayo oo u gaar ah iyo cid kasta oo jecel oo daryeeshaa ay ogtahay sida  loo isticmaalo taas.

Faa'iidooyinka liisaska la dhageysanayo ee shaqsi ahaaneed

Cilmi baaris in ka badan labaatan sanno la sameynaayey ayaa muujisay in shidashada liistada la dhageysanaayo ay ka wanaajiso nolosha dadka assaasaqa qaba. Xaqiiq ahaan in la dhageysto muusig shaqsi ahaan micno kuu leh ayaa ley faa’iidooyin badan oo nafsi ahaaneed, taas oo micnaheedu yahay in qof kastaa ka faa’iideysan karo liistada la dhageysanaayo. Waxay Liisaska la dhageysanayaa:

  • hoos u dhigeysaa welwelka/cabsida
  • kor u qaadeysaa niyadaada/muudhkaaga
  • fududeynaysaa hawlaha adag
  • kicineysaa xusuuso qoysaska iyo daryeelayaasha ka caawin kara inay isku xirmaan

Waxa Playlist for Life loogu talogalay saameynta xoogan ee muusiga shaqsi ahaaneed leeyahay si loogu caawiyo qof kasta oo ay saameyn ku yeeshay assaasaqu, qoysaskooda iyo daryeelayaashooda. Haddii ay tahay muusigii markii ugu horeysay lagu jaasay, heesaha carruurta ama heesaha mawduuca ee uu leeyahay barnaamij TV-gu, muusigu waxa uu leeyahay awood u dib inoogu celinaayo wakhtiga ee uu ina xusuusinaayo waxaynu soo marnay, isagoo ku siinaya dareenkaas dib u jaleecashada. Inaad heesahaaga iyo xusuustaada la wadaagto ayaa dadka assaasaqa qaba ka caawin karta inay la xiriiraan qoyskooda, asxaabtooda iyo daryeelayaashooda.

Sidan ku bilow

Muusigu waxa laga helayaa meel kasta waana qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeena. Liistada la dhageysanaayo waa mid u gaar ah sida aad adigu gaarka ugu tahay, markaas waa in liistadaada la dhageysanayaa ay ku jiraan muusig shaqsi ahaaneed oo kicinaaya xusuus wanaagsan ama falcelin qiiro leh. Waa inay ku jiraan heesaha ku siinaya ‘dareenka dib u jaleecista’ markasta oo aad maqasho; taas oo kugu celinaysa, waqti kale, qof ama goob. Wadajir, ayuu muusigani ugu abuuraa xulka heesaha adiga noloshaada.

Sidan lagu bilaabaayo waxay u fududahay sida dhageysiga muusiga ama heesida. Miyey jiraan heeso xusuusta kiciyaa? Qor iyaga. Waxaad haddaba u sii socotaa inaad sameysid liisto shaqsi ahaaneed!

Si aad ugu sameyso liistada la dhageysanaayo ee shaqsi ahaaneed, waxqaynu u baahan nahay inaan helno heesaha inaga inoo gaarka ah oo aynu hal meel ku soo wada uruurino. Liistadaada la dhageysanaayo ee shakhsi ahaaneed waxay noqon kartaa mid gaaban ama mid dheer. Waxa lagu qori karaa warqad yar. Waxa lagu duubi karaa cajalad la isku dhafay ama waxa lagu sameeyaa karaa barnaamij kombiyuutar sida Spotify ama iTunes.

Fadlan la soo deg mid ka mid ah waxyaalahayaga bilaashka ah ee kaa caawinaaya marxalad kasta oo safarkaaga liiska ah: laga bilaabo raadinta heesaha illaa si hufan u isticmaalka muusiga iyo ku darista liistada la dhageysanaayo hawlahaaga waxqabada ee maalinlaha ah.

Waxqabadyada

PDF ka buugyaraha Sidan ku bilow PDF (qeyb is-dhexgal leh oo dhijitaal ah)

Sahami faa’iidooyinka liisaska shaqsi ahaaneed iyo sida muusiga loogu wada xiriiro 

Liistada la dhageysanaayo ee Spotify

Liistadayada la dhageysanaayo  ee  Spotify waxay kafeynaysaa mowduucyo kala duwan waana bilaash in la dhageystaa

PDF ka Waxyaalaha wadahadalka bilaaba (qeyb is-dhexgal leh oo dhijitaal ah)

Kugu guubaabineysaa inaad bilowdo sameysashada adiga Liistadaada la dhageysanaayo:

Guriga ku soo daabaco qeyb PDF ah


Fatal error: Uncaught Error: Call to undefined function WC() in /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-content/plugins/code-snippets/php/snippet-ops.php(575) : eval()'d code:3 Stack trace: #0 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/class-wp-hook.php(303): {closure}() #1 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/class-wp-hook.php(327): WP_Hook->apply_filters() #2 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/plugin.php(470): WP_Hook->do_action() #3 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/general-template.php(3031): do_action() #4 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-content/themes/generatepress/footer.php(61): wp_footer() #5 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/template.php(770): require_once('/var/www/vhosts...') #6 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template() #7 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-includes/general-template.php(92): locate_template() #8 /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-content/themes/generatepress/page. in /var/www/vhosts/pflwp.ema0.com/public/wp-content/plugins/code-snippets/php/snippet-ops.php(575) : eval()'d code on line 3
WordPress › Error

There has been a critical error on this website.

Learn more about troubleshooting WordPress.